Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir dowlaha Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay xarumaha Dakhliga Wasaaradda ee Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil Sheekh-Adduun ayaa koomeer ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Boosaaso.

Mudane Sheekh-Adduun ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Dekedda Boosaaso, xarunta Cashuuraha Berriga ee gobolka Bari, Kastamyada Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Mas’uuliyiinta ka howlgala xarumaha uu tagay Wasiir dowlaha ayaa warbixin ka siiyay shaqada socota.

Ugu dambeyntii, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil Sheekh-Adduun ayaa ayaa indho-indheyn ku sameeyay qaabka ay shaqadu u socoto, wuxuu sidoo kale faray in shaqada la dardar-geliyo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.