Wasiir Dowlaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo maanta xilka la Wareegay[Sawirro]
GAROOWE – Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowadda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduunyo) ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiqaasir Cismaan.
Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir Kuxigeenk Dakhlig Wasaaradda Maaliaydda,Gudiga Xilwareejinta, Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime guud Ku-xigeenka Dhakhliga iyo mas’uuliyiin kale.
Guddoomiyaha Guddiga xilwareejinta ayaa sheegay in ay sune tahay isbadalka dawladnimada ee xilka, loona baahan yahay in bulsahda loo shaqeeyo.
Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiqaasir Cismaan ayaa xafiiska ku soo dhaweeyey Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduunyo), wuxuuna Alle uga baryey in uu shaqada u fududeeyo.
Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo xilka la wareegay ayaa isaguna Wasiiru dowlihii hore ee Wasaradda uga mahad-celiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtey, waxaana uu ballan qaaday in shaqada halkeeda uu ka sii wadi doono.
Ugu dambayn, waxaa munaasabada soo xiray Wasiir kuxigeenka Dakhliga Waasaradda Maaliyadda Cali Cumar, waxana uu sagootiyey Wasiiiru dowlihii hore, isagoona xafiiska kusoo dhoweeyey Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradd Maaliyada Shiikh Aduunyo.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments