Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar usoo xirtay shaqaale ka socday sagaal degmo oo ka tirsan Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Kuxigeenka Xisaabiyaha guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ayaa tababar u soo xiray shaqaale ka socday sagaal degmo oo ka tirsan Puntland.

Tababarkan la soo af-meeray ayaa ku saabsanaa nidaamka Xisaabaadka dowladaha hoose, waxana casharo kala duwan qaatay muddadii uu socday 30 shaqaale oo ka tirsan Dawladaha Hoose.

Waxaa iska kaashaday Tababarkan Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo  Hay’ada UN-HABITAT waxana fulinaayey Xafiiska Xisaabiyaha guud iyo Xafiiska FMIS-KA.

Cali Jaamac Gaashaan, ku-xigeenka Xisaabiyaha guud ee Dowladda Puntland ayaa la dardaarmay shaqaalaha tababarka loo soo xiray,  in casharadii ay qaateen degmooyinkii ay ka yimaadeen uga faa’ideeyaan.

Ugu dambayn shaqaalaha ayaa lagu doonsiiyay shahaado cadyn u ah casharadii ay qaateen ee Dawladaha hoose.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.