Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u qabatay Shaqaalaha Wasaarada[Sawirro]
Wasaaradda maaliyadda Puntland-Soomaaliya ayaa tababar ugu qabatay hotel Gacayte ee magaalada Bosaso shaqaalaha ka howla gala wasaaradda ee ku kala sugan deegaanada Puntland.
Tababarkan ayaa waxaa kala qeybgalay shaqaalaha Wasiirka iyo kuxigeenkiisa,Agaasimayaasha,Xisaabiyaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Tababarka ayaa socon doona hal maalin, waxana si rasmi ah u furay Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr. Cabdullaahi Sheekh Axmad.
Ujeedada Tababarka ayaa ahaa sidii ay usoo xareyn lahaayeen kharashaadka iyo dakhliga iyagoo Isticmaalaya habka maareynta Maaliyadda ee FMIS-ka,isagoo la jaanqaadaya miisaaniyada cusub.
Intii uu socday tababarka aya waxa lagu soo bandhigay qaabka ay wasaaraddu u shaqeyso, ,dhaqaalaha ay bixiso iyo sida ay ku baxaan.
Wasiirka maaliyadda Puntland Dr. Cabdullaahi Sheekh Axmad oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in tababarkan uu muhiim u yahay shaqaalaha wasaaradda, isla markaana loo baayan yahay in ay ka faa’ideystaan.
Waaxda Warfaafinta
Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com
0 Comments