Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Qardho ka bilowday Ololaha Cashuurta(Sawirro)

QARDHO – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee gobolka Karkaar ayaa bilaabay Ololaha lagu soo qabanayo Gaadiidka aan bixin Cashuurta ku waajibay.

Ciidamada Ilaaladda Cashuurta ayaa baro- Kontarool oo lagu hubinaayo gaadiidka aan Cashuurta bixin ka hirgeliyay qaybo ka mid ah wadooyinka magaalada Qardho.

Gaadiidka aan cashuurnayn ee ay qabtaan Ciidamadu ayaa lageeyay rugaha kala duwan ee Wasaaradda Maiyaddu ay u astaysay in cashuurta Gaadiidka lagu qaado.

Waxaa xusid mudan qaybo ka mid ah shacabka in ay hab isxilqaan ah ku Cashuuranayaan Gaadiidkooda.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.