Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaadatay xubno kamid ah Ganacsatada Puntland ee Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Madaxda Rugta ganacsiga DPL iyo xubno kamid ah Ganacsatada Puntland ayaa shir ku yeeshay magaaladda Boosaaso.
Shirkaan oo ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa waxaa shir guddoomiyey Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, ayna weheliyaan Wasiir kuxigeenka dakhliga iyo Agaasime kuxigeenka dakhliga iyo Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Rugta Ganacsiga Puntland Maxamed Caydiid.
Wasiirka ayaa kala hadlay ganacstada Puntland dardargelinta shaqada dekadda oo qorshuhu yahay inay habeen iyo maalin shaqeyso, soo noolaynta lacagta Shilling Soomaaliga iyo ka qayb qaadashadda horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee ay wado dawladu.
Ganacsatada Puntland ayaa si weyn usoo dhaweeyay shirka iyo ahmiyadiisa, waxayna ballan qaadeen in ay qayb weyn ka qaadanayaan shaqada horumarka leh ay dowladdu ka wado Puntland. Sidoo kale, ganacsatada ayaa Wasaaradda Maaliyadda la wadaagay talooyin ku aadan dardargelin shaqada Dekadda, gaar ahaan dejinta badeecadaha.
Ugu dambeyntii, Wasiirka iyo Mas’uuliyiinta kale ee Maaliyadda Puntland ayaa ganacsatada u ballan qaaday in wax badan laga qaban doono cabashooyinka ay qabaan, iyaguna ay qayb ka noqdaan horumarka socda.
Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments