Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka daahfurtay Mideynta Xisaabaadka Dowladda xarunta W/Caafimaadka(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka ka daahfurtay midaynta xasaabaadka Dowladda.

Daah-furkan ayaa noqonaya xaruntii ugu horaysay ee xarumaha Dowladda ee laga bilaabo midaynta xisabaadka dawlada oo Wasaraadda Maaliyaddu ka shaqaynaysay saddexdi sano ee la soo dhaafay gaar ahan xafiiska Xisaabiyaha guud.

waxaa ka soo qeyb galay munasabad
Wasiir- kuxigeenka Wasaaradda caafimaadka Mudane Abdinaasir Yuusuf Xaaji, Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland Mudane Cumar Salax Adan, agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda caafimaadka iyo saraakiil ka socotay Wasaaradda Maaliyadda.

Mudane Cumar Saalax Aadan Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland oo furitaanka ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan ugu horayn uga mahadcelinayaa Wasaaradda caafimaadka oo maanta aan ka bilaabayno nidaamkaan cusub ee lagu midaynayo xisaabaadka Dawladda kaasoo mudo saddex sano ku dhaw aan ka soo shaqaynaynay, nidaamkaan ayaa loogu talagalay sidii Dawladda Puntland uyeelan lahayd hal meel oo laga maamulayo.”

Wasiirku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Abdinaasir Yuusuf oo soo xiray shirka ayaa sheegay:-

“ Waxaan u mahadcelinayaa Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan Xafiiska Xisaabiyaha guud oo barnaamijkaan muhiimka u ah dawladnimadeena maanta halkaan inoogu soo bandhigay, taasoo qayb ka ahayd barnaamij siyaasadeedkii uu madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Abdulaahi Dani kusoo bandhigay ololahiisi doorashada,

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.