Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka bilowday Dekedda Garacad Adeegyadda looga baahan yahay Cashuurista Badeecadaha Dekedda[Sawirro]

GARACAD – Agaasimaha Guud ee Dekadda Garacad Mudane Cabdinaasir Biixi oo uu weheliyo Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Abshir Maxamed Abshir, Maamulaha Furdadda Boosaaso Mudane Maxamed Yuusuf  iyo shaqaalaha furdadda ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa saaka bilaabay dajinta markabkii kusoo xirtay dekadda Garacad  21/10/2022 , Markabka oo lagu magacaabo AK HUMBURG oo siday shixnad Shamiito.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa biloowday in ay ka hawl gasho Dekadda Garacad iyadoo ay diyaarisay dhammaan adeegyadii loo baahnaa ee fududaynaayey cashuurista badeecadaha lasoo dajiyo ama la dhoofiyo.

Shirkaddaha Barwaaqo iyo TTN  ayaa kala degay markabkii siday shixnad Sibir ah taaso  dhamayd 8000 tonnes, iyadoo lugu bilaabay dajintiisa saaka subaxnimadii hore kuwaas oo la cashuuray nidaamka marayna habraacii cashuurta ee saxda ahaa sida in xogtooda ay kusoo cadeeyaan Adeega SOMSAD ee casriga ah taasoo Laga isticmaalo furdooyinka caalamka.

Dekadda garacad ayaa wax wayn ka badali doonta dhinaca dhaqaalaha ee Puntland iyadoo uu horseedi Doono shaqa abuur iyo kobcin dhaqaale oo baaxad leh.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.