Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Golaha Wakiilada horgeysay Miisaaniyadda dowladda sanadka 2023[Sawirro]

GAROOWE – Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta la hor geeyey Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2023.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenda Golaha.

Kulan-kan ay Wasaaraddu ku hor geysay Miisaaniyadda Golaha Wakiillada waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda.

Miisaaniyadda sanadkan ee la horgeeyey Golaha ayaa ah wadarta guud $ 376,699,825 (sadex bogol todobaatan iyo lix Malyan Lix Boqol Sagaashaan iyo Sagaal kun Sideed Boqol Labaatan iyo Shan doolar) taas oo ka badan Miisaaniyaddii sanadka 2022 korar dhan 6%.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa Golaha ka hor jeediyey khudbad faahfaahsan oo ku aadan Miisaaniyadda, wuxuuna  Golaha Baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan.

Golaha ayaa loo qaybiyay Miisaaniyadda si ay u soo akhriyaan Miisaaniyadda

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.