Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Gaalkacyo kawada Ololaha Cashuuraha Gaadiidka Saddex biloodka(Sawirro)

49C8E25C-7D13-4D3F-A87B-B4E8EE4FDA28.jpg

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobolka Mudug ayaa magalada Galkacyo kawada ololaha Cashuurta Gaadiidka ee sedex bilood-laha ah .

Ciidanka ilaalada Cashuuraha ee dowlada Puntland ayaa goobaha muhiimka ah ee gaadiidku maro kawada hubinta shaqadan habeen iyo maalinba .

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug Ismacil C/nuur Geesey oo la hadlay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda ayaa sheegay inay shaqaalaha iyo Ciidanka illaalada Canshuuruhu ay Gaalkacyo si wanaagsan uga wadaan hubinta iyo soo xareynta Cashuurta ku waajibtay gaadiidka gaarka loo leeyahay.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug Ismaaciil C/nuur Geeseey ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan ololaha,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadduna horay ugu dhawaaqay.

Ololaha Cashuuraha Gaadiidka waa mid si joogta ah habeen iyo maalin uga socda dhammaan Gobolada Puntland.

Xafiiska Warfaafinta iyo wacyigalinta Wasaaradda Maaliyadda ee Gaalkacyo

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.