Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo dekeda Boosaaso ka hirgelisay Foomka Cadeynta Alaabta(Sawirro)
Agaasimaha Furdooyinka iyo Maamule ku xigeenka Kastamka Dekeda Boosaaso ayaa ka hadlay hirgelinta Foomka Cadaynta Alaabada soo degta.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa dhowaan shaaciyay hirgalinta FOOMKA CADAYNTA ALAABADA kaas oo loogu talagalay in ay adeegsadaan ganacsatada.
Agaasimaha Furdooyinka Siciid Axmed Fagaase, Maamule ku xigeenka Kastamka Dekeda Boosaaso Cabdi Ducaale Cali (Dhagax Tuur) iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeereey hab usocodka Foomka.
Madaxdan Furdooyinka iyo Kastamka ayaa shaqaalaha la kulmay, waxaana ay xaqiijinayeen habka shaqaalahu u hirgeliyeen Warqada xogta Alaabta taas oo u socotay sidii loogu tala galay.
Kormeerka kaddib ayaa Madaxda Furdooyinka iyo Kastamla, waxa ay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland u sheegewn in Foomka Cadaynta Alaabada ay saaka hirgaliyeen.
Agaasimaha Furdooyinka Siciid Axmed Fagaase ayaa ganacsatada ka codsaday in ay dhaqan galiyaan hirgelinta Foomka Cadaynta Alaabada soo degta.
Agaasimaha Furdooyinka iyo Maamule ku xigeenka kastamka Dekeda Boosaaso oo sheegay in ay hirgaliyeen adeeg siga Foomka Cadaynta Alaabada soo degta.Muuqaal ka hoos ka daawo Baahintii Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
Posted by Wasaaradda Maaliyadda Puntland on Saturday, April 13, 2019
Foomka Cadaynta Alaabada ayaa ah mid loogu tala galay in lagu ogaado Badeecada uu wato Ganacsaduhu si loogu cashuuro hadii uu alaabtiisa Foomka ku Cadayn waayo ganaaxna uu mudan doono.
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
0 Comments