Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo daah-furtay Tababar ku saabsan nidaamka Xisaabaadka dowladaha hoose[Sawirro]
GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa daah-furtay tababar ku saabsan nidaamka Xisaabaadka dowladaha hoose kaasoo ay ka qayb-galeen sagaal degmo oo ka tirsan Puntland.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Axmed Fiqi oo daah-furay tababarka ayaa ku dheeraaday faa’idada uu leeyahay nidaamka casriga ah ee Xisaabaadka.
Tababarkan waxaa ka faa’ideysanaya shaqaale gaaraya 30 qof oo ka kala socda sagaal degmo dowladahooda hoose ee Puntland.
Ujeedka Tababarkan waa in la baro shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta kale sida loogu diyaariyo Miisaaniyadda habraacada Xisaabaadka, kaasoo loo qaabeeyey hab lagu kala saaro kharashaadka, dakhliga, hantida iyo deymaha si xisaabtu u yeelato faham cad iyo aragti caafimaad qabta oo maaliyadeed.
Tababarkan waxaa iska kaashaday Wasaaradda Maaliyadda, Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda UN-HABITAT.
Sidoo kale Tababarka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xisaabiyaha Guud ee Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan, mas’uuliyiin ka socda UN-HABITAT iyo madax kale.
Tababarka ayaa socon doona muddo 3 casho ah, waxaana looga goleeyahay sare u qaadidda xirfadda shaqaalaha ka howlgala qaybta Xisaabaadka (TREASURY UNIT) ee Dowladaha hoose.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments