Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka u gudbisay Xisaab xirka 2018[Sawirro]

BB0922CB-D9EB-4A89-96B7-84B8292FBE04.jpg

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa Gollaha Baarlamaanka Puntland u soo gudbiyay Xisaab xirka 2018 sida uu qabo Dastuurka qodobkiisa 137aad oo ka hadlaaya Xisaab xirka.

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland Mudane C/xakiin Maxamed Axmed ayaa Gollaha ka hor sheegay in madaxda Wasaaradda Maaliyaddu wado Xisaab xirka 2018.

Garoowe Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta Golaha Baarlamaanka Puntland ka hor jeediyay xisaab xirka 2018 Muuqaalka hoos ka daawo Baahintii Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Posted by Wasaaradda Maaliyadda Puntland on Sunday, June 30, 2019

Golaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku sugnaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee ay kamid ahaayeen Wasiirku Xigeenka Maaliyadda,Xisaabiyaha Guud ee Dawladda iyo Agaasimayaasha Wasaaradda.

Soo jeedinta Wasiirka ee Xisaab xirka 2018 kadib Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa in ay wax badan ka soo ogaan doonaan haddii ay xog dheeraad ahna rabaan u yeeri doona madaxda Wasaaradda Maaliyadda si ay su’aalo uga waydiiyaan.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.