Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka Puntland horgeysay soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2021(Sawirro)
GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Golaha Baarlamaanka hor geysay soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda Dowladda ee 2021.
Kulanka waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan.
Hor-geynta Xisaab-xirka Miisaaniyadda ee golaha waxaa ka qayb-galay Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan (Fiqi)Wasiir Ku-xigeenka dakhliga Mudane Cali Cumar Caarshe, Xisaabiyaha guud ee Dowladda Cumar Saalax Xamari Agaasimaha Miisaaniyadda Cabdi Samad Surato iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Ahna Ku-simaha Wasiirka Mudane Cumar Xasan Cumar Fiqi ayaa Golaha u soo jeediyey khudbad ku aadan soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2021,
Wasiirka ayaa ka hadlay wax qabadkii sanadii 2021 waxaana ka mid ahaa
- Dhamaystirka habraaca Maaliyadda.
- Tirakoobka Shaqaalaha Dowladda.
- Hirgelinta xarunta xogta Dowladda.
- Hirgelinta dhismaha xarunta dakhliga.
- Hirgelinta sanduuqa kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo qodobo kale.
Qorshaha sanadka 2022 sidoo kale ee Wasiirku soo jeediyey waxaa ka mid ahaa
- Horumarinta nidaamka cashuuraha.
- Hirgelinta nidaamka wax iibsiga.
- Furitaanka Kastamka Dekadda Garacad.
- Hirgelinta cashuuraha Berriga gobolka CAYN iyo qodobo kale.
Cumar Xasan Fiqi, Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ka hadalay qodobo muhiim u ah Miisaaniyadda 2021 ugu dambayna Golaha ka codsaday in ay ansixiyaan.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments