Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Wasaaradda Cadaaladda oo Tababar u furay Nootaayooyinka diiwaangashan[Sawirro]
GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kaashaneysa Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha diinta ayaa maanta Tababar ugu qabatay magaalada Garoowe Nootaayooyinka diiwaangashan dowladda.
Tababarkan ayaa Ujeedkiisu ahaa sidii wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Shirkadaha Nootariga ,waxaana goobjoog ka ahaa Mulkiilayaasha Nootaayinka iyo quburo aqoon durugsan u leh Nootaayooyinka.
Agaasimaha Guud ee Cashuuraha Beriga W/Maaliyadda Puntland Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) ayaa xusay in la ilaaliyo sharciga Nootaayooyinka ayadoo ay muhiim tahay in la helo haddii loo baahdo qoraalada ama heshiisyada la sameeyo lana bixiyo qoraalkooda ka hor Cashuurta.
Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) ayaa sheegay iney muhiim tahay in la bixiyo Cashuurta dowladda iyo sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen Nootaayooyinka iyo Cashuuraha Berriga.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Puntland Axmed Faarax Faramyeeri ayaa isna dhankiisa xusay in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada iyo aqoonta Nootaayooyinka ayna ku dhisan tahay horumarka maadaama loo adeegayo shacabka.
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa gabagabadii sheegay in Nootaayooyinku muhiimad gaar ah ugu fadhiyaan dalka loona baahan yahay in la ilaliyo Cashuurta iyo Hantida Ummada loo kala wareejinayo.
Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay oo kale inaan la aqbaleyn cid kasta iney iska furato Nootaayooyin u gaar ah sidii la doonana loo maamulo balse ay aqoonsi u sameynayaan Nootaayooyinka buuxiyey shuruudaha laga doonayey.
Si kastaba ha ahaateen Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland ayaa ku howlan dardargelinta Cashuuraha qeybhaooda kala duwan,waxaana tallaabadan si weyn usoo dhaweeyey bulshada.
MOHAMUD ABDISALAN FIYEERA
GAROOWE
0 Comments