Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasaaradda Maaliyadda oo Dayactireysa Laanta Ilaalada Cashuuraha gobolka Karkaar[Sawirro]

FB_IMG_1532607120265.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa horay u shaacisay in loo baahan yahay shirkad hawal kar ah oo fulisa dhisme la dayactirayo,kaas oo ku dhexyaala saldhiga Boolis degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Dhismahan ayaa loogu talagalay Ciidmada laanta ilaalada Canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Karkaar,waxaana uu ahaa dhisme horay u jiray balse iminka dayactir lagu samaynaayo,waxaana ku tartamay sadex shirkadood oo qaabilsan dhanka dhismayaasha.

Shirkada ku guulaysata ayaa looga bahan yahay 12 Qol, Ceelbiyood,4 Afarsuuli iyo Ganjeel waxana sadexdan shirkadood loo diray qiimaha ay shaqadan ku qaban lahaayen.

Shirkadaha ku tartamay ayaa kala ahaa Mahadi,Qaran,iyo Muriidi waxana mid walba uu soo gudbiyay qiimaha uu ku fulin karo dhismahan Xarunta Ciidamada ilaada Canshuuraha Gobolka Karkaar

Soo kala saarida shirkadaha ayaa loo xilsaaray sadex xubnoo oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayna kala ahaayeen Xisabiyaha Gobolka Sanwayne Cali Cartan,lataliyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka karkaar Dr Nuuraani Xaaji Shiikh Maxamed Aw Axmed iyo Taliyaha ilaalinta laanta Canshuuraha Gobolka C/qaadir Axmed Khayr Bashka

Xaflada Shaacinta shirkada loo qaatay waxaa ka soo qayb galay Xasan Cali Samatar Surcad ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland,Agaasimaha waaxda Furdooyinka Axmed Siciid Fagaase,Agaasimaha waxaada Canshuuraha Barriga C/qaadir Maxamuud Ismaciil iyo masuuliyiin kale.

Shirkada Qaran ayaa soo ban dhigtay in ay shaqadaasi ku qaban karto 25012 Doollar,
Shirkada Mahdi ayaa sheegtay in ay ku qaban karto lagac dhan 21142 Doollar,Shirkada Muriidi ayaa sheegtay in ay ku qaban karto lacag dhan 37796 Doolar.

Xisabiyaha gobolka Sanwayne Cali Cartan ayaa ku dhawaaqay in ay ku guulaysatay shirkada Mahdi oo qiimaha ay soo gudbisay ka hooseeyo shirkadaha kale ayna buuxisay shuruudihii iyo habka tayada dhismaha

Mas’uuliyiintan ayaa kormeer ku tagey dhismahan dayactirka lagu samayn doono ee degmada Qardho ee gobolka Karkaar.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Waaaradda Maaliyadda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.