Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasaaradda Maaliyadda oo Baarlamaanka Puntland horgeysay Miisaaniyadda 2020[Sawirro+Video]

CE1C00E9-006E-4175-BD70-9D7B11B9F479.jpg

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda  Maaliyadda  Dawladda Puntland ayaa maanta horgeeyay Golaha Baarlamaanka Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020 oo dhan $346,416,158.99.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee tagay golaha Baarlamaanka waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda,Wasiirku xigeenka Maaliyadda,Wasiiru dawlaha Maaliyadda,  Xisaabiyaha guud ee Dawladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay Miisaaniyada 2020

Posted by Wasaaradda Maaliyadda Puntland on Tuesday, November 19, 2019

Guddoomiyaha Gollaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa Golaha u sheegay in madaxda Wasaaradda Maaliyadda wado miisaaniyadda 2020-ka.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa si qoto dheer u faahfaahiyay habka Wasaaradda Maaliyaddu u soo diyaarisay miisaaniyadda 2020.

Posted by Wasaaradda Maaliyadda Puntland on Tuesday, November 19, 2019

Gollaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa eegi doona Miisaaniyada 2020 ay soo diyaariyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu.

Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland oo uu Shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay  ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda maanta la horgeeyay Gollaha Baarlamaanka.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.