Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar usoo xirtay Hanti dhowrka Guud ee Puntland(Sawirro)
Waxaa Maanta oo taariikhdu tahay 05-April-2017, lagu soo gaba gabeeyey Hotel Juba Tababar loo qabtay Hantidhowrka guud, kaasoo ku saabsanaa barnaamujka Habka Maareynta Dhaqaalaha Dowladda ‘Financial Management information system’ (FMIS) barnaamujkaas oo ah computerized. Tababarkaas oo ay fulineysay Wasaaradda Maaliyadda Xafiiska PFMIS-ka, waxaa maal geliyey Bankiga aduunka .
Xiritaanka xaflada waxaa Goob jog ahaa Gudoomiyaha Hantidhowrka Guud Mudane Jaamac Cismaan Axmed( Goobe), Agaasimayaasha guud ee C/Berriga; Cali Jaamac Gaashaan iyo Agaasimaha guud ee Furdooyinka Puntland.
Ugu horeyn waxaa xaflada ka hadlay gudoomiyaha hantidhowrka guud isagoo sheegay in Habkan cusub ee shaqaalihiisa lagu tababaray uu u suurto gelinayo in si fudud lagu ilaaliyo hantida Dowladda, isla markaana laga maarmayo habkii hore ee Manualka ahaa kaasoo wax badani ku lumi jireen.
Waxaa kale oo kulanka ka hadlay Cali Jaamac Gaashaan oo ka sheekeeyey faa’iidooyinka uu leeyahay Barnaamujka FMISku oo dhamaan Hay’adaha Dowladda Puntland ku shaqeyn doonaan.
Gabagabadii waxaa hadlay xiriiriyaha mashruuca PFM Abdulkadir Axmed Xaashi iyo Maamulaha xafiiska FMIS-ka En. Faysal Mircayo oo labaduba uga mahad celiyey sida wanaagsan oo ay hantidhowrku ku qaateen casharadii la siiyey.
Waxaa xaflada soo xiray Cali Jaamac Gaashaan oo sheegay in ay ka go’an tahay Wasaaradda Maaliyadda hirgelinta Barnaamujka FMISka.
0 Comments