Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u qabatay Maamulayaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda ee gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa tababar u qabatay maamulayaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ka hawl gala gobolka Bari.

Tababarkan waxaa daah-furay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Tababarada Wasaaradda Maaliyadda Mudane C/qaadir Cali Ismaaciil.

Casharada tababarkan waxaa bixinaayey macalimiinta iyo lataliyaayaasha Wasaarada ee ay ka mid yihiin Prof. Nuraani Xaaji Maxamed Aw Axmed iyo Macalin Cabdirisaaq Jaamac Siciid iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxa qaybeedka tababarada Wasaaradda Maaliyada Cabdinasir Cabdi Siciid  iyo mas’uuliyiin kale.

Casharada tababarka ayaa ku saabsanaa aqoonta maamulka, xalinta khilaafaadka shaqada & shaqaalaha, abaalmarinta shaqaalaha, xeeraka iyo siyaasadaha Wasaarada Maaliyada .

Shaqaalaha Wasaaradda ayaa ugu dambayn la siiyay shahaadooyin cadaynaaya aqoontii ay barteen mudadii ay tababarka ku jiraan.

Wasaaradda Maaliyadda oo hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa qorshaynaysa in tababaro kor loogu qaadayo shaaalaha Wasaaradda in laga fulin doono magaalooyinka Qardho, Badhan, Garowe iyo Galkacyo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.