Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda oo qabatay Shir looga hadlay Mashaariicda Bangiga Adduunku ka wado Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Waxaa caawa Hotel Martisoor ee magaalada Garoowe ka qabsoomay shir ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galay Wasiirada, Agaasimayaasha iyo Hawl wadeenada Wasaaradaha qaybta ka ah hirgelinta Mashaariicda Bangiga Adduunka. Waxaa kaloo ka soo qaybgalay Hantidhawrka Guud iyo Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah.

Guddiga Farsamada ee 7-dii Bisha November 2022 loo xilsaarey in ay xog dhammeystiran ka keenaan dhammaan Mashaariicda Bangiga Adduunka ee ay Puntland qaybta ka tahay.

Shirka ayaa waxaa warbixin ka soo jeediyey Warbixinta Guddiga kadib, Wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta, Xanaanada Xoolaha, Caafimaadka, Kalluumaysiga, Ganacsiga, Deegaanka, Biyaha iyo Macdanta iyo Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa waxay ka wada hadleen qorshaha jiheynta siyaasiga ah ee xeyndaabka hirgelinta Mashaariicda horumarinta ee laga helo deeqaha Caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa Bangiga Adduunka.

Shirka ayaa isla qaatay in dhammaan Mashaariicda deeqaha Caalamiga ah ay noqdaan kuwo waafaqsan mabaadiida aasaasiga ah ee dowlad dhiska hannaanka Federaalka Soomaaliya.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.