Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Tababarka Xeerka Habeynta Nidaamka Xukuumadda DPL gaar ahaana Wasaaradda Maaliyadda oo lagu qabtay Garoowe(Sawirro)

GAROOWE – Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame “Qowdhan” ayaa Tabarbar u furay mas’uuliyiinta Xafiisyada iyo Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe Garoowe.

Ujeedada tabarbarkan ayaa ah in shaqaalaha Wasaaraddu fahan xoogan ka haystaan sharciga lagu aasaasay Wasaraddaha iyo hay’adaha Xukuumadda Dowladda Puntland gaar ahaan qaybaha khuseeya mas’uuliyadaha iyo waajibadka Wasaaradda.

Cabdi Ibraahim Warsame “Qowdhan” Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa Madaxda iyo shaqaalaha ka soo qayb galay kula dar-daarmay in ay ka faa’idaystaan Tabarbarkan oo xambaarsan casharo muhiim ah.

Tabarbarkan wuxuu ka mid ahaa qorshaha tayaynta Shaqada Wasaarada ee sanadka 2021 waxaana isku soo duba riday waaxda qorshaynta iyo tababarada Wasaaradda Maaliyadda oo kaa shanaysa waaxda Arimaha Sharciyada Wasaaradda

Casharada tababarkan waxaana bixinaayey Madaxa Waaxda Arimaha Sharciyada ee Wasaaradda Maaliyadda Garyaqaan Axmed Ciise Gulwade

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.