Shirka Sannadlaha ee Maamul-baahinta Maaliyadeed oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe(Sawirro)
GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa shir guddoomiyay kulanka Sannadlaha ee Maamul-baahinta Maaliyadeed oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Garoowe.
Shirkan ayaa waxa ka qayb galay Guddoomiye kuxigeenka Hanti-dhowrka Puntland, Kuxigeenka Xisaabiyaha guud ee Dowladda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Agaasime Waaxeedyadda Wasaaradaha iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta degmooyinka Puntland.
Xiriiriyaha mashruuca JPLG-ga ahna Xog-hayaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Jaamc (Jowle) ayaa ka hadlay ugu horreyn ujeedada mashaariicda socda iyo kuwa la qaban doono UN-JPLG-ga.
…” Shirkan waa maamul-baahinta maaliyadeed ee sannadlaha ah ee Wasaaradda Maaliyaddu qaban-qaabiso oo UN-JPLG ka taageeraan, Labada mashruuc ee hadda socda ee LDF iyo SDM dowladda Puntland ayaa muddo gacanta ku haysay , waxayna kasoo hoysay guul, dadaal dheer iyo Juhdi dheer oo ay Wasaaraddu gelisay , haddana ay maamusho in lagu guuleystay…” ayuu yiri
Mudane Jowle waxa kale uu sheegay in dhanka Dowladda Puntland ay diyaarisay dhaqaalihii ay kaga qayb geli lahayd mashaariicda , sannadkii horena u bilowday sidan oo kale. Dhaqaalahaas oo loogu talagalay mashaariicda LDF iyo SDM.
Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa xusay muhiimada uu u leeyahay bulshadda Puntland maamul-baahinta maaliyadeed ay tahay in maamulka loo daadejiyo dowladaha hoose.
Dhaqaalaha sannadkan 2021-ka loo hayo ee la shaaciyay ayaa ah 3.7 milyan oo doollar, waana mid lagu hormarinaayo Degmooyinka Dowladda Puntland.
Waxaa xusid mudan in mushruucan JPLG-ga uu Puntland ka socday 11-sanno kaasoo horumar kala duwan laga sameeyey.
Baahintii


















Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowadda Puntland.
0 Comments