Shirka Dardar-gelinta Dakhliga Gaadiidka iyo Casriyaynta nidaamka xogta Gaadiidka oo ka dhacay Garoowe(Sawirro+Muuqaal)
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi oo u weheliyo Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ayaa si wada jira u furay shirka dardar gelinta Dakhliga Gaadiidka iyo casriyaynta nidaamka xogta gaadiidka.
Tababarkan loo qabtay shaqaalaha ayaa waxaa si wada jir ah u qabtay Shirkadda PIITECH iyo saraakiil ka socda Xafiiska Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda iyadoo ay kasoo qayb galeen dhammaan khasanjiyaasha Wasaaradda, saraakiisha ka socota Xafiiska Gaadiidka ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo hawl wadeeno ka socday Shirkadda PIITECH.
Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir ayaa ka war bixiyay Tababarka iyadoo uu si kooban uga hadlay Hadafka Laga leeyahay Tababarka iyo sidii kor loo qaadi lahaa Dakhliga Gaadiidka oo ah dakhliyada u baahan dardar galinta.
Agaasimaha Dakhliga ayaa xusay in nidaamkii hore laga guuray loona guuray hab casri ah oo u fududanaaya mulkiiyaasha gaadiidka in ay si fudud u cashuurtaaan gaadiidkooda.
Madaxa Shirkadda PIITECH Yaasiin Maxamuud Jaamac ayaa dulmar ku sameyay nidaamka cusub in uu awood sii doono Hay’addah Dowladda inay waajibkooda u gutaan si iskood ah oo aan cidna caqabad ku noqon, sidoo kale wuxuu sheegay in nidaamkan cusub uu keeni doono adeegyo dheeri ah oo u fududeynaya cashuur bixiyaha in uu hab Online ah u bixiyo cashuurta ku waajibtay.
Wasiirka Wasaradda Howlaha Guud Mudane Axmed Bashiir Muuse ayaa soo dhaweeyay hanaanka cusub kaasoo ah mid kor u qaadi kara dakhliga Gaadiidka Lana heli doono xog rasmi ah iyadoo ay hay’ad kasta qaadan doonto waajibka kaga aadan.
Wasiir Wasaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa xusay in la joogteeyo casriyaynta iyo horumarinta nidaamyada Cashuuraha, isagoo sheegay in la eegi doono arrimaha ka qabsoomay hindisahaan cusub Lana samayn doono kor joogtayn.
Baahintii





















Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments