Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Shir looga tala bixinayay Qaab-dhismeedka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo lagu qabtay Garoowe(Sawirro)

GAROOWE – Kulan ballaaran oo ay yeesheen mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Khabiirka dib u qaabeynta qaab-dhismeedka Wasaaradda Maaliyadda Stephen Lear ayuu Khabiirku ku soo ban-dhigay tala bixinno ku aadan qaab-dhismeedka Wasaaradda iyo shaqo qeexida dhammaan Waaxyaha, Madax Qeybeedyada iyo Madaxda sare ee Wasaaradda sida Xisaabiyaha Guud, Agaasimaha Guud iyo kuxigenadiisa.

Shirkan waxaa kaso qeybgaly kusimaha Agaasimaha Guud Maaliyadda,Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga,Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud, dhammaan Waaxyaha iyo Madax qaybeedyadda Wasaaradda,Waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Xiriiriyaha Mashruuca PFM/DRM ee World Bank.

Kusimaha Agaasimaha Guud ee Waaaaradda Mudane, Keenadiid Cali Jaamac oo shirka soo xiray ayaa u mahad celiyay Khabiirka kuna bogaadiyay shaqooyinka culus ee uu qabtay mudadii koobnayd ee uu la shaqeynayay Wasaaradda, wuxuuna xusey in ay talo bixinadan kusaabsan shaqo qeexida iyo dib u habeynta qaab-dhismedka Wasaaradda ay la wadaagi doonan Wasiirka iyo Waaiir kuxigeenadda si iyagana ay kaalintooda shaqo uga qaatan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.