Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Shir looga hadlay Hannaanka Horumarinta shaqo ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo lagu qabtay Garoowe(Sawirro+Video)

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay horumarinta hannaanka shaqo ee Wasaaradda Puntland.

Kulankan, Wasiir kuxigeenka Mudane, Cumar Xasan Fiqi , waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maxamed Cabdiqaadir, Kusimaha Agaasimaha Guud Abshir Maxamed Abshir, Xisaabiyaha Guud ee DPL, Xisaabiye kuxigeenka iyo Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Shirkan, ayaa looga hadlay dhameystirka Waxqabadka Wasaaradda 2021 iyo diyaarinta qorshayaasha hormarinta u leh Wasaaradda Maaliyadda ee sanadka 2022.

Kusimaha Agaasimaha Guud ayaa warbixin ka bixiyay shaqooyinka u baahan dhamaystirka, iyadoo loo saaray Guddiyo hoose oo dabagala shaqooyinka u baahan in la dhameystiro.

Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ku talaabsatay horumaro dhanka dib u habeynta nidaamka Maaliyadda, beekhaaminta kharashka, ku dhaqanka Miisaaniyadda iyo dardar galinta Dakhliga gudaha.

Waxaa xusid mudan, in sanad walba madaxda Wasaaraddu sameeyaan qiimeyn ku aadan shaqooyinka la qabtay iyo ogaanshaha shaqooyinka sanadka soo socodo ee la fulin doono.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.