Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Shir looga hadlay dardargelinta shaqada W/Maaliyadda Puntland oo lagu qabtay Garoowe(Sawirro)

GAROOWE – Kusimaha Agaasimaha ahna Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Mudane Keenadiid Cali Jaamac ayaa Shir gudoomiyay kulan looga hadlay dar’dar galinta shaqada Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay gudiga fulinta qoryaasha Wasaradda oo ka kooban dhammaan wax yaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Mudadi u socday kulanka ayaa looga hadlay waxyabahii u qabsoomay waax-yaha kala duwan ee Wasaaradda iyo sidii loo hormarin lahaa shaqooyinka horyaala.

Shirkan waxaa siwayn loogu eegay shaqaalaha aan gudan waajibaadkooda shaqo In dabagal lagu sameeyo lagulana Xisaabtamo.

Waxaa xusid mudan in horay dhammaan waax-yaha Wasaaraddu u soo badhigeen shaqooyinka u qorshaysan sanadka 2022 fulinteedana laga sugaayo

Ku-simaha agaasimaha ahan agaasime guud ku-xigeenka Wasaradda Maaliyadda ayaa boogadiyay shaqada ay qabteen gudigu waxana u faray in laga rabo in ay labo jibaaraan shaqada ay ahayn.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.