Shir lagu soo bandhiyay shaqooyinka Xafiiska Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda oo lagu qabtay Garoowe(Sawirro)
GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka qayb galay shir ka dhacay xarunta Wasaaradda, shirkaas uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Kuxigeenka Agaasimha ee Maamulka, Agaasimaha Waaxda Maamulka, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee hoostaga Xafiiska Maamulka iyo Maaliyadda sida:

- Qaybta Shaqada iyo shaqaalaha.
- Qaybta Maaliyadda.
- Qaybta Wacyigelinta iyo Warfaafinta.
- Qaybta ICT-ga.
- Qaybta Arkiifiyada.
- Qaybta Gaadiidka.
Masuuliyiinta xafiisyadan ayaa madaxda sare ee Wasaaradda usoo jeediyey waxqabadkoodii sadexdii bilood ee lasoo dhaafay iyo qorshayaasha saddexda bilood ee sannadkan ka hartay.
Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Cabdifataax Cali Jaamac oo shirka kaddib la hadlay Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada uu xafiiskiisu usoo agaasimay shirka iyo arrimaha looga hadlay.
Agaasimha Wuxuu sheegay in ay waxyaalaha ugu waaweyn ee shirkaas lagaga hadlay ay ka mid ahaayeen:
- Casriyeynta galalka shaqaalaha wasaaradda;
- In la sameeyey foomka qiimaynta shaqada (performance appraisal) iyo buug ah, hagaha sidii loo samayn lahaa qiimaynta shaqada, ayna naga caawiyeen khuburo kala duwan.
- In la sameeyey habka xaadirinta shaqaalaha ee elektarooniga ah (e-attendance) laga hirgelin doono dhamman xarumaha iyo xafiisyada aanu gaarin ee gobollada.
- In la kiciyey qaybta arkiifiyada iyo kaydinka xogta, taasi oo diyaarisay in laga heli karo xogtii oo fudud ama ayada oo warqado ah.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, iyo shaqaalaha waaxda oo ay u horreeyaan madax qaybeedyadu ku amaanay shaqo hufnaan iyo hormarka balaan oo lagu talaabsaday.











Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments