Shir lagu soo Bandhigay Qorshaha Sanadka 2022-ka iyo soo bandhigida Waxqabadyadii 2021 W/Maaliyadda Puntland oo lagu qabtay Garowe(Sawirro)
GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa lagu qabtay shirka qorshaha sanadka 2022 iyo soo bandhigida waxqabadyadii sanadka 2021 u qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda.
Shirkan, waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlarra Puntland, kuwaas oo kala ah :
01. Dakhliga.
02. Xisaabaadka.
03. Xafiiska Baarista Gudaha.
04. Maamulka.
05. Xafiiska Sharciyada
Shirkan, waxaa shir guddoominayay ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Abshir Maxamed Abshir.
Intii uu socdey Shirka, waxaa looga dooday waxqabadyadii Wasaaradda Maaliyadda ee sanadka dhammaaday ee 2021 iyo guulahii laga gaaray.
Waxaa la isku raacay in horumar kala duwan lagu sameeyey shaqooyinka la soo qabtay guulana la gaaray.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda, ayaa sidoo kale soo bandhigay Qorshayaasha waxqabadka ee sanadka 2022.
Abshir Maxamed Abshir sii-hayaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa u soo jeediyay mas’uuliyiinta ka soo qeybgalay shirkan in horumar ballaaran oo dhan kasta ah lagu sameeyo shaqooyinka horyaala Wasaaradda..
Baahintii






















Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments