Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Shaqaalaha Wasaaraddda Maaliyadda ee gobolada Puntland oo Aqoon kororsi ku tagay xarunta Wasaaradda ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Shaqaalaha Degmooyinka BUURTINLE, EYL, JARIIBAN , BEYLA IYO GALDOGOB oo tababar ujeedkiisu yahay kor u qaadista Cilmiga Technology (ICT Training ) iyo nidaamka FMIS ayaa booqasho la xiriirta shaqooyinkooda ku tegay xarumaha Wasaaradda Maaliyadda iyo degmada Garowe.

Xoghayaha Dowladda hoose ee Garoowe ayaa macalimiinta iyo shaqaalaha ku soo dhoweeyey Xafiiska degmada, waxana uu wax ka tusay sida ay uga faa’idaysteen barnaamij FMIS.

Sidoo kale shaqaalaha Dawlada hoose ayaa booqday xarunta wayn ee Wasaaradda Maaliyadda, waxana halkaasi ku soo dhoweeyey Xisaabiye ku-xigeenka guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdifataax Cali Jaamac.

Dhowaan ayaa la filaayaa in tababarka loo soo af-meero shaqaalaha Dawlada hoose ee mudada qaadanaayey barnaamij FMIS.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.