Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo booqday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]

FB_IMG_1532956772894.jpg

Boqashadan uu Raysal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre uu ku yimi Xarunta Waasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa ahayd mid uu ku ogaanayay shaqooyinka iyo hab qaab dhismeedka Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Raysal Wasaare Khayre waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ,Agaasimaha Dakhliga iyo Masuuliyiinkale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Raysal Wasaaare Xasan Cali Khayre Boqashadiisan Xarunta waxaa ku weheliyay Madaxawaynaha Dawladda Puntland,Madaxwayne ku xigeenka Puntland Golaha Wasiirada Federaal iyo Puntland iyo marti sharaf kale

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane C/qaadir Siciid Carshe dhaqaaje ayaa ugu horayn hal kaasi ka hadlay waxana uu yiri

Mudane Raysalwasare adiga iyo wafigaagu ku soo dhowaada Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland waa xarunta ugu way nee ku taala Caasimada ee laga maamulo maaliyaadda Dawladda Puntland

Xaruntan Wasaaradda Maaliyaadda waxaa lagu dhisay isku tashiigii uu horay ugu dhawaaqay Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali gaas waana taalabo horay looqaaday ayuu yiri Wasiirka Maaliyadu

Raysal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaliya iyo wafdiga la soocday waxa ay soo dhexmareen Xarunta Wasaaradda maaliyadda qayba heeda kala duwan iyo hab sami usucodka shaqada Wasaaradda.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.