Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar usoo xiray Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa tababar u soo xiray shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka waxaa ku weheliyey Wasiirku xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cali Cumar Caarshe, Ku-xigeenka Xisaabiyaha guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda.
Shaqaalaha tababarka loo soo xiray ayaa ka hawl gala gobolada Sool Nugaal iyo Sanaag ee Dawladda Puntland.
Cali Cumar Caarshe, Wasiir kuxigeenka dakhliga oo ka hadlay munaasabada ayaa shaqalaha tababarka loo xiray u sheegay in ay bulshada shaqo adag uhayaan loona bahan yahay dadaal dheeri ah
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad soo xiray tababarkan ayaa dhankiisa sheegay tababarkaan uu muhiimad dheeri ah u leeyahay shaqaalaha Wasaaradda , waxana uu u mahad celiyay mas’uuliyiinta tababarkan gacanta ku hayey.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirku xigeenka dakhliga ayaa shaqaalaha tababarku soo dhamaaday gudoon siiyay shahaadooyin.
Ugu damabayn Wasaaradda Maaliyadda ayaa tababarro shaqaalaha Wasaaradda aqoontooda kor loogu qaadaayo ka fulin doonta gobolada kale ee Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments