Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo shir guddoomiyay kulanka isku xirka baahinta Maaliyadda degmooyinka(Sawirro)
GAROOWE:- Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir guddoomiyey kulanka isku xirka baahinta Maaliyadda ee degmooyinka.
Kulanka waxa kasoo qayb-galay Wasiirada Wasaaradaha bahwadaagta ku ah Mashruucani iyo Guddoomiyeyaasha 11-ka degmo ee uu ka socdo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland.
Wasiirku xigeenka Maaliyadda ahna sii hayaha xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa hal kaasi ka hadlay waxana uu sheegay in degmooyinka laga sugaayo in ay mashruucan hormar ka sameeyaan.
Xafiiska hormuudka maamul baahinta Puntland iyo Wasaarada Maaliyadda ayaa ku wareejiyeen degmooyinka uu ka socdo mashruuca horumarinta lacag dhan $3,308,392.92 taas oo loogu talagalay laba mashruuc oo kala ah Sanduuqa maxaliga ah ee (LDF) oo loo qoondeeyey lacag dhan $ 2,440,892.92 halka horumarinta adeega bulshada ( SDM) loo qoondeeyey lacag dhan $867,500.00.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowadda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku bogaadiyey Wasaarada Maaliyada Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta xafiiska hormuudka maamul baahinta, shaqada wanaagsan ee ay qabteen, waxana uu Madaxweynuhu kula dar-daarmay inay sii laba jibaaraan shaqada ay u hayaan bulshadda.
Baahintii





Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments