Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Madaxweynaha Puntland oo Shir guddoomiyay shir looga hadlay dhaqaalaha oo lagu qabtay xarunta W/Maaliyadda Puntland(Sawirro+Video)

GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan isugu yeeray Wasaaraddaha qaabilasan wax soo saarka dakhliga Dowladda Puntland.

Kulanka ayaa ahaa mid ku aadan is xog wareysi dhanka Dhaqaalaha Puntland iyada oo caalamka uu soo food saaray dhaqaale xumo baahsan.

Shirka muddadi u socday ayaa siwayn looga dooday sidii la isaga kaashan lahaa kor u qaadidda dakhliga Wasaaraddaha qaabilasanna ay dadaal dheeri ah ku bixiyaan dakhliga si ay Dowladdu u gudato waajibaadkeeda shaqo ee dalka.

Ugu dambayn shirkan ayaa laysku raacay in Wasaaraddaha dakhliga qaabilsan ee dowladda Puntland ay keenaan qorshe kor loogu qaadaayo dakhliga, gebagabada Kulanka ayaa lagu ballamay in ku kulan dambe la’iskugu yimaado.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.