Madaxweynaha Puntland oo Kormeer shaqo ku yimid xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Garoowe(Sawirro)
GAROOOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku yimi xarunta Wasaaradda Maaliyadda.
Madaxweynaha waxaa xarunta ku soo dhaweeyey Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maamed Cabdulqaadir, Xisaabiyaha guud ee Dowladda Cumar Saalax Aadan, kusimha ahna Agaasime guud kuxigeenka Maamulka Keenadiid Cali Jaamac iyo Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir.
Booqashada Madaxweynaha ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa qayb ka ah eegista Miisaaniyadda 2022-k oo ay diyaariyeen madaxda Wasaaraddu, wada tashina laga sameeyo.
Kulankaasi markii uu soo idlaaday Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame “Qowdhan” ayaa ka hadlay kormeerka shaqo ee Madaxweynaha.
“….Madaxweynuhu waxa uu u yimi in uu xog-ogaal ka noqdo sida ay shaqadu u socto iyo ogaanshaha Miisaaniyaddii 2022-ka oo Wasaaraddu soo diyaarisay golaha Wasiiradda ayaa la marin doonaa kadibna Baarlamaanka ayaa lagayn doonaa…” ayuu yiri Wasiir Qawdhan.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda kula dar-daarmay in ay sameeyeen kor u qaadida dakhaliga dalka.
Baaahintii















Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments