Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku yimid xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku yimi xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha waxaa xarunta ku soo dhaweeyey Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda, waxaana Kulankaasi looga wada hadlay dardargelinta shaqo iyo kor-u-qaadista dakhli si loo horumariyo adeegga Wasaaraddu u hayso Bulshada.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Madaxweynaha kulanka la qaatay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi,Wasiir ku xigeenka Dakhliga Mudane Cali Cumar Caarshe, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Dr Maxmed Cabdi Cilmi iyo ku xigeenka Agaasimaha Guud Mudane Keenadiid Cali Jaamac.

Waxaa xusid mudan xiliga uu Madaxweynuhu booqashada ku yimi Wasaaradda ay ku sugnaayeen Taliyaha Ciidanka Booliiska, Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.