Madaxweynaha Dowladda Punland oo Kormeer shaqo ku tagey Xarunta W/Maaliyadda ee Garoowe[Sawirro]
GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Madaxda Wasaaradda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay mas’uuliyiinta Wasaaradda, waxana ay Madaxweynaha la wadaageen shaqada socota ee Wasaaradda Maaliyadda.
Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta faray in la xoojiyo kor u qaadista dakhliga iyada oo la dardar gelinayo Cashuuraha si bulshada wax loogu qabto.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments