Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kormeer ku yimid Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]
GAROOWE – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray ku yimid xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo madaxda kale ee Wasaaradda ayaa Madaxweynaha iyo Waftigiisa ku soo dhoweeyay xarunta Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xassan Shire Cabdi ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha qaabka ay u shaqeyso Wasaaradda iyo shaqada ay bulshada u hayso, iyada oo uu madaxweynuhu kormeeray xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarunta Bankiga Dowladda iyo Dhismaha xarunta Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments