Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Madaxda World Bank oo Tababar siiyay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland(Sawirro)

63ECA5C4-DB9B-4F5C-B8FE-B9BD5F9B8C04.jpg

Madaxada Bangiga adduunka ayaa tababar siiyay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland.

Tababarkan loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka dhacay Hoolka shirarka Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Garoowe.

Furitaankii tababarkan,waxaa ka soo qayb galay Wasiiru dawlaha Maaliyadda ,Xisaabiyaha guud ee Dawladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Madaxa tababarada iyo Madaxda wold bank qaybo ka mid ah.

Tababarkan ayaa shaqaalaha Wasaaradda lagu bari doonaa adeegyada Bangiga adduunka ka caawiyo Dawladda Puntland iyo shuruudihii la rabay in la raaco taas oo Dawladda ku adkaatay balse shaqaalaha Wasaaradda loo tababaraayo.

Daawo Madaxda Wasaaradda oo la hadlay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee tababarka loo qabtay. baahintii Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Posted by Wasaaradda Maaliyadda Puntland on Tuesday, March 26, 2019

Wasiiru dawlaha Maaliyadda,Xisaabiyaha Guud ee Dawladda iyo Agaasimaha Guuud ee Wasaaradda ayaa shaqaalaha kula dardaarmay inka faa’idaystaan casharada loo soo diyaariyay.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.