Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo hortagay Gollaha Baarlamaanka(Sawirro)

91C0DD37-75B0-4D98-8BD5-89AF741E229B.jpg

Madaxda Maaliyadda ee uu hormuudka u yahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ayaa hortegay Golaha Baarlamaanka Puntland

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa Golaha usheegay in Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ay diyaar u yihiin in ay ka jawaabaan su’aalaha Barlamanka.

hor imaanshaha Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Golaha Baarlamaanka ayaa ku aadanayd kadib markii Golahu soo akhriyay Miisaaniyada sagaal bood 2019

Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda wax ka waydiiyay Miisaaniyada ay horkeeneen iyo meelaha jawaab ta ubaahan

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland iyo madaxda Wasaaradda ayaa siyaabo kala duwan uga jawaabay waydiimihii Golaha Baarlamaanka Puntland.

Muqaal kooban Kulankii Golaha Baarlamaanka Puntland iyo madaxda Wasaaradda Maaliyadda Baahintii Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Posted by Wasaaradda Maaliyadda Puntland on Saturday, March 30, 2019

kulan saacado qaatay kadib Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay fasaxayaan Madaxda Wasaaradda Maaliyadda kulan gaarana ay gali doonaan.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi Miisaaniyada ay horkeeneen Golaha Baarlamaanka ayaan wali la an saxin balse lafilaayo in ay ansaxin doonaan Golaha Baarlamaanka Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.