Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo shaqo u tagay Buuhoodle(Sawirro)

BUUHOODLE – Mas’uuliyiinta Dowladda oo booqasho ku joogay gobolka Cayn ayaa maanta la kulmay bushada kala duwan ee gobolka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay waxgaradka,aqoonyahanka iyo ganacsatada iyo qeybaha kale duwan ee bulshada.

Ujeedka ayaa daarnaa in bulshada lagu wacyi galiyo cashuuraha iyo ahmiyadda ay u leedahay deegaanka iyo xoojinta wada shaqaynta bulshadda iyo Dowladda ee arrimaha dardargalinta dakhliga.

Cuqaasha iyo ganacsatada ayaa cod dheer ku sheegay in Dowladda lugu garab istaagi doonno uruurinta cashuuraha furdooyinka kuwaasoo ku waajibay badeecadaha u kala goosha deegaanadda Itoobiya iyo goboladda Soomaaliya oo ay degmada Buuhoodle isku xirto una tahay marin muhiim ah.

Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Abshir Maxamed Abshir ayaa sheegay in cashuuraha kala duwan loo bilaabi doono si tartiib ah, waxan u bulshada gobolka codsaday in lagu taageero dhaqan galinta qaadista cashuuraha.

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa xusay in faa’iidada ugu wayn ee bixinta cashuuraha ay ka mid tahay in dhaqaalaha laga uruursho deegaanka dib loogu soo celin doono bulshada iyadoo lagu horumarin doono adeegyadda aasaasiga ah, amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiiradda Shaqadda iyo shaqaalaha, Wasiir Dowlaha Waxbrashada iyo Wasiir dowlaha Qorsheynta ayaa sheegay in gobolku uu ku talaabsaday waddada horumarka loona baahan yahay in la xoojiyo wada shaqaynta Dowladda iyo gobolka.

Dhanka kale wafdiga ayaa booqday goobaha loo asteeyay Wasaaradda Maaliyadda laguna qaadi doono cashuuraha furdooyinka, kuwaasoo ay ka mid tahay Sool joogto, Jaceel, balliga Buuhoodle oo ah goobaha rasmiga ah ee kastamayada gobolka Cayn laguna uruurin doono cashuuraha kala duwan ee gobolka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa wada dadaalo kor loogu qaadayo dakhli uruurinta lana gaarayo dhamaan gobolada oo dhan si looga hirgaliyo adeegga cashuur qaadista oo ah mid dastuuri ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.