Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo gaari loogu talagalay La dagaalanka Kotarabaanka ku wareejiyay gobolka Nugaal(Sawirro)
GAROOWE – Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudene, Keenadiid Cali Jaamac oo uu weheliyo Agaasime ku-xigeenka Guud ee dakhliga Abshir Maxamed Abshir ayaa gaari loogu talagalay la dagaalanka Kotarabaanka ku wareejiyey Wasaradda Maaliyadda qeybta Gobolka Nugaal.
Masuuliyiinta, ayaa gaarigan Xisaabiyaha Gobolka Nugaal Mukhtaar Cabdi Faarax ku wareejiyey si loogula dagaalamo badeecadaha kotorabaanka ah ee lagu soo geliyo canshuur la’aanta.
Gaarigan, ayaa waxa uu qeyb ka yahay gaadiid ay Wasaaraddu ugu talagashay dhammaan gobalada Puntland, si loogu adeegsado dardargelinta dakhliga.
Baahintii



Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments