Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda iyo Dekadaha Dowladda Puntland oo kulan la yeeshay Ganacsatada Puntland ee Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland ayaa kulan la yeeshay Ganacsatada waaweyn ee wax kasoo dejiya dekadda Boosaaso.

Shirka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo horumarin lahaa nidaamka shaqo ee dekadda iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda iyo Ganacsatada ee dhanka ka qayb qaadashada horumarinta guud ee dalka.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa xusay in dowladdu ay diyaar u tahay horumarinta shaqada iyo casriyeynta dekadda si kor loogu qaado dhaqaalaha maxalliga ah ee Puntland.

Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa tilmaamay in dowladdu xooga saari doonto ballaarinta dekadda iyo dajinta badeecadaha si loo fududeeyo ganacsiga dekadda iyo dhaqaalaha furdadda.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay horumarinta iyo ballaarinta dekadda, isagoona ammaanay dadaalka ganacsatada ay marwalba ay diyaar u yihiin sidii loo horumarin lahaa hawlaha shaqo ee ka socda dekadda.

Ganascatada ayaa guud ahaan ku ammaanay Dowladda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqaalaha kuna booriyay in laga wada shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha gobolka.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.