Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Madaxda W/Maaliyadda Puntland oo Kormeer ku tagey xarunta Wasaaradda ee gobolka Cayn(Sawirro)

BUUHOODLE – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee Buuhoodle waxaa kormeer shaqo ku tagay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo booqasho ku joogay gobolka Cayn.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Cayn ayaa xog dheeri ah ka siiyey halka ay shaqadu marayso iyo siday ugu diyaarsan yihiin kor uqaadidda dakhaliga mas’uuliyiinta Dowladda.

Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Abshir Maxamed Abshir ayaa sheegay in cashuuraha kala duwan ee gobolka Cayn marka la bilaabo in ay bulshada ku Wacyi-galiyaan in si tartiiba loo socod siiyo cashuuraha.

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa xusay in faa’iidada ugu wayn ay tahay in dhalinyaradu shaqo abuur ay ka helayan, dhanka kalena dhaqaalaha laga uruursho deegaanka dib loogu soo celin doono.

Dhanka kale mas’uulinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa tababaro kala duwan u qabtay shaqaalaha iyagoon ku dhiirigeliyay inay shaqadda si wanaagsan u qabtaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.