Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Madaxda UNICOM oo soo Bandhigay Shaqada ay la qabteen W/Maaliyadda muddo sanad ah[Dhageyso]

1P2A0352.jpg

Cali Faarax Gaashaan

GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe ayaa lagu qabtay kulan,kaasoo ahaa mid ay shirkadda UNICOM kusoo bandhigaysay Waxqabadka mudadii ay la shaqeynaysay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa kulanka goobjoog ahaa,sidoo kale waxaa ka qeybgalay kulanka Madaxda sare ee Wasaaradda,Saraakiil ka socotay UNICOM iyo shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiir ku xigeenka Dakhliga Wasaarada Maaliyadda Maxamed Jibriil Caateeye oo daahfuray kulanka ayaa Madaxda UNICOM uga mahad celiayay la shaqaynta Wasaarada Maaliyadda Puntland.

Agaasime Kuxigeenka guud ee Maamulka W/Maaliyadda Puntland Cali Faarax Gaashaan ayaa kulanka kaddib faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulanka.

Mudane Cali Farxaan ayaa sheegay in kulanku ku saabsanaa sidii shirkadda UNICOM usoo bandhigi lahayd waxqabadkeeda mudadii ay la shaqeynaysay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

…” Shirka waxa uu ku saabsan yahay in ay soo bandhigaan khubaradii shirkadda UNICOM waxqabadkoodii mudadii ay shaqeynayeen,mashruucu waxa uu ku egyahay bisha 8aad waa gabagabo…”ayuu yiri Cali Farxaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay …” Waxyaabihii ay diyaariyeen ayay soo bandhigeen hadey noqon lahaayeen dhinaca maamulka lacagta ee Xisaabaadka iyo dhinaca dakhliga ee waxqabadkii ay sameeyeen ayay soo bandhigayaan..”ayuu yiri Cali Farxaan

Mudane Cali Farxaan ayaa ugu dambeyn sheegay….”” Waxaa nalooga fadhiyaa in haddii aan nahay Puntland in aqoontaas ay keeneen in aysan noqon mid miisaska la iska saaree ay noqoto iney dhaqan gasho..”ayuu yiri mar kale.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaajinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.