Madaxda sarsare ee Maaliyadda Puntland oo hor tagay Golaha Baarlamaanka Puntland(Sawirro+Video)
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo u Hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta hortagay Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka Puntland.
Fadhiga 24aaad ee Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland waxaa shir guddoomiyanay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Wasiirka ayaa Baarlamaankaka hor jeediyay khudbad ku aadan shaqooyinka Wasaaraddu bulshada u hayso.
Dhanka kale Xildhibaanada ayaa Madaxda Wasaaradda weydiiyay su’aallo la xirira shaqadda Wasaaradda.
Madxda ayaa ka jaawabay su’aalaha mudanayaasha sidoo kale waxaa inta u fadhigu socday laga hadlay qorshaha Wasaaradda iyo guulaha la gaaray.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments