Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Madaxda sare ee W/Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qayb galay Xuska Maalinta Furdooyinka Adduunka oo lagu qabtay Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa ka qayb-galay xuska Maalinta Furdooyinka Adduunka oo lagu qabtay magaalada Boosaaso.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar kamid ah Golaha Xukuumadda, Maamulka gobolka,kan degmada Boosaaso, Taliska Booliiska, Agaasimaha Furdooyinka Puntland, Maamulaha Furdada Boosaaso, Ganacsato iyo mas’uuliyiin kale.

Hay’adda adduunka u qaabilsan horumarinta arrimaha Furdooyinka adduunka waxay u asteesay sanadka 2022 sidii ay kor ugu qaadi laheyd Isbedelka Digital-ka iyadoo la adeegsanayo lana xoojinayo isticmaalka tiknoolijayadda ee kaydinta xogta.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa munaasabada ka hadlay, wuxuuna sheegay xuska maalintan uu hambalyo iyo mahadcelin u dirayo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo bah-wadaagta ay shaqo wadaagta yihiin.

“….Waxaa Sharaf wayn ii ah in aan maanta idinkala soo qayb galo Xuska maalinta furdooyinka adduunka oo sanadkasta loo asteeyay maantoo kale, waxaa halkaan uga mahad celinayaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adaha Bah wadaagta la ah Sida Wasaaradda Dekeddaha , Wasaaradda ganacsiga iyo Ciidanka ilaaladda cashuuraha oo intuba muujiyay karti iyo dadaal sanadkii 2021.

Wasiirka ayaa yri “Anigoo Ka faaidaysanyaa Fursadaan waxaa u macadceliyaa Dhamaan Ganacsatadda Puntland gaar ahaan Ganacsataddi sida Hagar la’aanta ah nagala shaqaysay in aan hirgalino Sales tax oo ay hada Puntland ku naaloonayso dakhligaas oo isbadal ku sameeyey isku socodka wadooyinka oo hada dhismaayaashooda gacanta lagu hayo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.