Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku tagay Dekadda Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayna weheliyaan Wasiir kuxigeenka dakhliga, Agaasime kuxigeenka dakhliga iyo mas’uuliyiin kale ayaan maanta kormeer shaqo ku sameeyey Dekadda magaalada Boosaaso.
Madaxda ayaa kulamo la qaatay Maamulaha Dekadda Mudane Maxamed Yusuf iyo qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka howlgala Kastamka Dekadda.
Shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Dekadda ayay kula dardaarmeen xoojinta adeegyada dowliga ah ee dekadda, sarena loo qaado tayada shaqo.
Kormeerka Dekadda waxaa iyaguna ka qayb galay xubno ka tirsan Guddiga Talo bixinta Arrimaha Wada xaajoodka Federaalka oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Mudane Axmed Cali Xaashi.
Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ayaa sidoo kale kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Dekadaha oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo sare u qaadista adeegyada Dekadda iyo ganacsatada loo fududeeyo hawlaha dejinta iyo rarista badeecadaha iyo xoolaha noolba.
Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments