Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Wasiiru dowlaha oo kormeer shaqo ku tagay degmada Qandala ee gobolka Bari[Sawirro]
QANDALA – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo Wasiiru dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil Sheekh-Aduun ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Qandala ee gobolka Bari.
Wasiiradda ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Qandala , waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Maamulaha dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee degmada Qandala Cabdikhaaliq Maxamed Ismaaciil.
Madaxda Wasaaradda ayaa u kuur galay hawlaha shaqo ee Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqa socod siinta dakhliga iyo qaadista cashuurta.
Dhinaca kale , Maamulaha dakhliga ayaa warbixin ka siiyay madaxda Wasaaradda shaqada baaxadda leh ee uu xafiisku uu hayo iyo sare u qaadida dakhliga iyo xaraynta cashuuraha waajibka ah.
Ugu damabyn, Wasiir Fiqi iyo Wasiir Sheekh Aduun ayaa ku ammaanay Maamulka Wasaaradda ee degmada Qandala shaqada ay dalka u hayaan, waxayna kula dar-daarmeen in ay sii laba jibbaaraan.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments