Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Kulan looga hadlay Dardar-gelinta Dakhliga Gaadiidka iyo Iskaashiga oo ka dhacay xarunta Maaliyadda ee Garoowe(Sawirro+Video)

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi,Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo guryeynta Mudane Axmed Bashiir Muuse, Wasiirku xigeenka Maaliyadda Mudane Cali Cumar Caarshe iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska S/Guuto Mudane Maxamed Cali Xaashi ayaa yeeshay kulan looga hadlay dardar galinta Dakhliyada Gaadiidka uyo xoojinta iskaashiga.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Garoowe, waxaana ka soo qaybgalay Agaasimayaasha Labada Wasaaradood iyo saraakiisha Taliska guud ee Booliska Dowladda Puntland.

Kulan looga hadlay Dardargelinta Dakhliga Gaadiidka & Iskaashiga oo lagu qabtay Maaliyadda Puntland.

 

Intii uu socday kulankan ayaa looga hadalyay qodobo ay ka mid yihiin

  1. Xoojinta wada shaqaynta Hay’addaha Dakhliga oo ay Wasaaradda Hawlaha Guud tahay ahmiyadda kowaad.
  2. Kor u qaadista dakhliga Gaadiidka iyadoo la xoojinayo nidaamka dakhli uruurinta.
  3. Dhaqan galinta xogta Mulkiyada Gaadiidka oo gaadiid kasta lagu qoro cidda leh mulkiyadda.
  4. Dhaqan galinta bixinta laysamada iyadoo la ilaalinayo hubinta dhaqan galka Laysanka wadista gaadiidka.

Mas’uuliyiinta kulan qaatay ayaa bulshada ugu baaqay in ay sharciga ay u hoggaan samaan.

Labada Wasaaradood ayaa ku heshiiyay dhamaystirka dhaqan galka qodobada xoojinaya dakhli uruurinta iyo wada shaqaynta labada Wasaaradood.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.