Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay degmada Qardho[Sawirro]

QARDHO – Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa kormeer shaqo ku tegay xarumaha Wasaaradda ee degmada Qardho.

Wasiirka oo ka duulaya dardar galinta shaqada ayaa soo kormeeray sida ay shaqadu uga socoto xafiisyada Canshuuraha Barriga, Kastamka iyo xafiiska xisaabadka.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Karkaar Yaasin Cabdi Ciise oo Wasiirka kusoo dhoweeyay xarunta ayaa uga warbixiyay sida ay shaqadu u socoto, guulaha la gaaray iyo waxyaabaha hor tabinta leh.

Wasiir Cumar Xasan Fiqi ayaa dhankiisa boggaadiyey shaqaalaha Wasaaradda dadaalka ay wadaan iyo guulaha ay gaaren ee kobcinta dakhliga, waxaana uu ku booriyey shaqaalaha iyo Madaxda in la muujiyo dadaal dheeri ah oo ku aad kor u qaadista dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.